Magacyo + Sawirro: Yaa ugu cad cad musharaxiinta madaxweyne?

Muqdisho (Caasimada Online):- Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka siyaabo kala duwan uga socda kulamada lagu kala taageeraayo Musharaxiinta u taagan doorashada dalka ee la filaayo inay dhacdo dabayaaqada sanadka aan ku jirno.

Musharaxiinta qaarkood ayaa iminka ku sugan magaalada Muqdisho, halka qaarna ay ku kala sugan yihiin dalalka Kenya, Ugandha iyo wadamo kale oo ka baxsan qaarada madow ee Africa.

Musharaxiinta ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa siyaabo kala duwan u wada ololahooda doorasho waxa ayna kulamo muuqda la qaadanayaan Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahaanada dalka gudihiisa ku sugan.

pizap.com14639913062461

Musharaxiinta wadanka ku sugan ayaa Odayaasha kala tashanaaya sida ay uga guuleysan lahaayen Musharaxiinta kale ee u taagan xilka madaxtinimo ee Somalia.

Kuwa dalka ka maqan ayaa waxaa ololaha u wada wakiilo ku sugan magaalada Muqdisho oo ka tirsan Axsaabta dalka ka jirta, kuwaasi oo dalka kusoo xaroon doona xiliga ay soo dhawaato doorashada waxaana kamid ah Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la rumeysan yahay in taageero badan uu ku dhex leeyahay dalka.

Waxaa sidoo kale, jira Musharaxiin hankooda siyaasadeed uu yahay inay galaan Taariikhda kuwaasi oo qudhooda og miisaanka ay ku dhex leeyihiin Siyaasada Somalia, balse waxa uu ujeedkoodu dhaafi la’ yahay in mar un ay ka dhexmuuqdan musharaxiinta waaweyn ee uu loolanka u dhexeeyo.

Musharaxiinta ugu cadcad ee sida weyn looga hadal hayo guud ahaan dalka Somalia ayaa waxa ay kala yihiin:-

1-Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somalia, oo ah shaqsiga ugu hadal-heynta badan.

2-Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha xilka uu kasii dhamaanayo oo ah shaqsiga kusoo xiga.

3-Maxamed C/llahi Farmaajo, Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia, oo marka laga hadlaayo hadal-heynta ku jira kaalinta seddexaad.

4-Jibriil Ibraahim Cabdulle, Madaxa hay’adda cilmibaarista ee CRD, oo ah Musharax miisaan leh kuna jira kaalinta afaraad.

Musharaxiintaani ayaa marka la qiimeeyo xitaa dhanka dhaqaalaha ah kuwo isku dhow, waxa uuna loolanku yahay mid aan iyaga dhaafsiisaneyn, inkastoo ay jiraan kuwo miisaan ahaan u dhigma balse aan wali soo bandhigin ujeedkooda siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, hadal-heynta Musharaxiintaani ayaa waxaa isla dhexmaraaya inta badan dadka shacabka ah oo iyagu kala horeysiinaaya ninka shaqsiga ugu cadcad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com