Xog: Shariif Xasan oo laba siyaasi oo Hawiye & Daarood ah midkood u raba guddoomiye baarlamaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xassan Shiikh Aadan oo qadyaan ka jooga guddoomiye barlamaan oo beeshiisa in la siiyo markasta ayaa bilaabay qorshe ka dhan ah beelaha Hawiye iyo Daarood , isaga oo raba xildhibaanada Mustaf Dhuxuloow iyo Cabdirashiid Xidig oo ay saaxiibo dhow yihiin inuu u sharaxo guddoomiyaha Barlamaanka soo socda, si ay meesha fursad ugu noqoto Digil iyo Mirifle inay markii ugu horeysey qaataan R/wasaaraha, isaga oo aaminsan inaysan raadsan karin weli M/weynaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Dhuxuloow oo ka soo jeeda beesha Murusade ee Hawiye ayaa beel ahaan isku arka inay u dulman yihiin beelaha Abgaal iyo Habar Gidir oo iyagu xilka Hawiye qaata, sidaas darteedna ay fursad u tahay beeshiisa inuu isku soo taago xilka guddoomiyaha barlamaanka, islamarkaana uu fursad siiyo saaxiibkiisa siyaasadda mudada fog ee Shariif Xasan Shiikh Aadan M/weynaha KG Soomaaliya.

Cabdirashiid Xidig oo xukuumadda iyo barlamaanka ka tirsan ayuu isagana ku qanciyay inuu u noqdo qorshihiisa labaad, isaga oo u tusay in siyaasadda daarood ay hormuud u yihiin majeerteenka oo xilka sare iyaga un la siiyo, sidaa darteedna ay tahay in beesha Absame inay hesho fursad ay markan ku noqoto guddoomiyaha barlamaanka dalka, isaga oo xusuusiyay balamo badan oo beeshaas ay uga baxeen M/weynayaashii Shariif iyo kan hadda jooga ee Xasan Shiikh, waxana uu u tusiyay in Majeerteen uu yahay qabiilka koowaad kan labaad ee fursadda heli karana uu yahay Mareexaan, sidaas darteed ay fiirsadaan maslaxaddooda oo uu isku sharaxo xilka guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa ku fashilmay qorshe uu watay oo uu dirta waqooyiga ee Somaliland degta ku rabay inay isbahaysi siyaasadeed la galaan, iyaga oo taas bedelkeeda Baydhaba ugu sheegay inay heshiis kula jiraan beelaha Hawiye, oo inta badan dega Koonfurta Soomaaliya, islamarkaana waxay u cadeeyeen in kuraastooda aysan marna geysanaynin Koonfur galbeed Soomaaliya.

Taageerayaasha Shariif Xasan ayaa la siiyay hal ku dhig ah “DOONI MEYNO GUDDOOMIYE BARLAMAAN, WAXAAN RABNA XAQA R/WASAARE AMA M/WEYNE”, halheyskaas oo noqdey mid baraha bulshada dadka taageera Shariifka baydhaba ay hadal hayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com