Xog: Dam-Jadiid oo Muungaab xil uga bedeshay dhulkii ciidamada Asluubta ee Sarkuus

Muqdisho (Caasimada Online ) – Magaalada Muqdisho muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad looga hadal hayay xilka aan sida weyn loo shaacin ee wasiiru dowlaha cadaaladda DFS Gen Muungaab, iyada oo waqtiga dowladda u haray ay ka yartahay laba bil, hase yeeshee xaqiiqda iyo ujeedka ugu weyn ee ka dambeeya ayaa hadda la ogaaday, iyada oo Caasimadda Online ay heshay sababta rasmiga ah ee xilkaasi hadda loogu magacaabay.

Guddoomiyihii hore ee Banaadir iyo duqii hore ee Muqdisho Muungaab ayaa lagula heshiiyay inuu gabi ahaanba cadeeyo aqoonsiga dhul ay leeyihiin ciidanka asluubta Soomaaliyeed oo ku yaala Sarkuusta, taasi oo la rabo in lagu xaraasho lacag lagu qiyaasay 8 Milyan oo doolar, iyada oo heshiiskaasi uu ka dhacay xafiiska M/weynaha ayna goob joog ka ahaayeen guddoomiyaha gobolka banaadir Yuusuf Boorsaani, xildhibaan Faarax Cabduqaadir iyo xubno kale oo qoyska M/weynaha iyo Dam-jadiid isugu jira.

Gen Muungaab Wasiirdu dowlaha Cusub ee cadaaladda ayaa balan qaaday inuu dhulkaasi kala shaqeysanyo lacagta lagu iibiyana ay tahay in laga siiyo hal milyan, maadaama isaga kaliya uu si rasmi ah u yaqaano aqoonsiyada dhulka ee ciidamada Asluubta ay halkaasi ku leeyihiin, waxaana si gaar ah loo xulay injineero si qarsoodi ah kusoo cabira, sahlana in la xaraasho, isla maanta waxaa lagu bilaabay dadkii deganaa sarkuusta in lagu amro inay isaga guuraan, iyada oo halkii boos lagu qiimeeyey 32 kun oo doolar.

Xasan iyo Dam-jadiid ayaa damaca muungaab uga faa’iideystay isaga oo mar un rabay inuu magaciisa xukuumadda galo, waxana sidoo kale ay ku qanciyeen in uu taageero dib u doorashada M/weynaha oo uu iska iloobo inuu xil musharax raadsado ama taageero musharax kale oo la tartamaya M/weynaha dalka ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Caaismada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com