Shaacin: Fadeexada laga faafiyey Ilhaan Cumar yaa ka dambeeya?

Minneapolis (Caasimaa Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fadeexad laga faafiyey Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah uu sharaxan aqalka wakiilada gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar, ayaa la isla dhex marayaa in ayada oo uu qabo ninkeeda ay ilmaha u dhashay ay walaalkeed dalka Mareykanka ku keentay inuu yahay ninkeeda, taasi oo sharciga Mareykanka ka dhan ah, kuna muteysan karto xabsi. Halkan ka aqri xogtaas.

Xog cusub oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrintan uu ka dambeeyo Cabdi Warsame oo ah Soomaali ka tirsan golaha magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, oo si aad ah uga soo horjeeda in Ilhaan la doorto.

Ilhaan iyo WarsameCabdi Warsame ayaa la sheegay inuu doonayey inuu kursiga Ilhaan u tartamo doorashada dhaceysa bisha November ee Ilhaan ay u taagan tahay maahee doorashada ku xigta oo dhaceysa sanadda 2018.

Cabdi Warsame oo sida Ilhaan oo kale isna ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ayaa la sheegay inuu heshiis la galay Phyllis Kahn oo ah haweeneyda Ilhaan ay ka adkaatay. Heshiiska ayaa dhigayey in Cabdi uu taageero Phyllis doorashadan, kadibna ay kursiga u baneyso doorashada xigta ee 2018-ka.

Sida ay xogtan leedahay, Cadbi Warsame ayaa og in maadaama Ilhaan ay tahay 33 jir ay adkaan doonto in kursigan ay ka degto, haddii ay mar ku fariisato, sidaa darteedna wuxuu door bidayey in Phyllis ay usii hayso laba sano, maadaama ay 79 jir tahay, taasi oo iyana ay aqbashay.

Sirta meesha ku jirta ayaa ah in degmada ay Ilhaan ka sharaxan tahay ee 60B ay tahay degmada kaliya ee qof Soomaali ah laga dooran karo, maadaama ay degen yihiin Soomaali badan, sidaa darteedna Cabdi Warsame ayaa rumeysan in Soomaalida uusan taageero ka heleyn, haddii qof kale oo Soomaali ah kursiga uu ku fariisto.

“Arrintan waa damaaci aan aad ula yaabnay, mana fileyn in Cabdi Warsame sidaan u dhaqmo, oo gabar walaashiis ah uu dhabarka ka toogto” waxaa sidaas yiri qof ku dhow Ilhaan oo Caasimada Online la hadlay balse codsaday inaan la magacaabin.

Waxaa sidoo kale jirta in haddii Ilhaan la doorto bisha November ay xil ahaan ka sari mari doonto Cabdi Warsame, maadaama ay noqoneyso xildhibaan gobol, halka Cabdi Warsame uu ka yahay kaliya xubin gole deegaan, taasi oo aanu ku faraxsaneyn.

Ololaha doorasho ee Ilhaan Cumar ayaa la sheegay inay ka warhayaan dibindaabyada uu dhigay Cabdi Warsame, laakiin ay yar tahay waxa ay ka qaban karaan.

Ilhaan iyo Cabdi ayaa labaduba isku beel ah, waxayna kasoo jeedaan beesha Puntland.

Dhinaca kale, eedeymaha loo jeediyey Ilhaan Cumar ayaa waxaa iminka baaritaan ku haya qaar ka mid ah warbaahinta waa weyn ee Minnesota, kuwaasi oo haddii ay helaan caddeymo dhibaato weyn u keeni karta Ilhaan.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
caasimada@live.com