GALMUDUG oo ku adkeysaneysa go’aan aan u cuntamin Ahlu-Suna

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa mar kale shaaca ka qaday in wadahadalka ay la furayaan maamulka Ahlusunna ay geed dheer u fuuli doonaan si xal waara looga gaaro khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan labada maamul.

Cismaan Maxamed Cali oo ah Wasiirka Dasuurka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in Galmudug ay dhinacyo badan la kaashaneyso wadahadalka Ahlusunna waxa uuna tibaaxay in wadahadalka ay saadaalinayaan laga gaari doono guul.

Waxa uu sheegay inay jiraan caqabado muuqda oo ku horgudboon wadahadalkaasi, balse waxa uu carab dhabay in Galmudug ay ka go’an tahay dardar galinta wadahadalka la filaayo in labada dhinac uu u furmi doono.

Cismaan Maxamed Cali Wasiirka Dasturka Galmudug ayaa xusay in cid kasta oo wax ka qabaneysa Galmudug ay diyaar u yihiin in ay la furan wadahadal dhab ah si looga baaqsado Dagaallo ka dhaca Gobolka Galgaduud.

Waxa uu tilmaamay inay xal u raadin doonaan qodobada leysku khilaafsan yahay waxa uuna meesha ka saaray inay dhicikarto fashil ku imaada wadahadalkaasi.

Dowlada Somalia ayuu ugu baaqay inay laba jibaarto dadaalada leysugu soo dhaweynaayo labada dhinac ee ku kala irdhoobay Siyaasada.

Ahlusunna ayaa maalmo un ka hor si cad u sheegtay inaanu jirin wadahadal ay la galayaan maamulka Galmudug, halka maamulka Galmudugna ay ku adkeysanayaan dardar galinta wadahadalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com