Hadliye oo sameeyey ballan-qaad u muuqda jees jees ka dhan ah…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo DFS ay ka gaabisay wax ka qabashada dhalinyarada sida micnadarida ah ugu xiran dalka India, ayaa waxaa xariga dhalinyaradaasi markii ugu horeysay ka hadlay Wasiirka Arimaha Dibada Somalia C/salaan Hadliye Cumar.

Hadliye, ayaa sheegay inay la socdaan xaalada dhalinyarada Soomaalida ah ee ku xiran dalka dibadiisa, gaar ahaan kuwa ku xiran dalka India, waxa uuna tilmaamay in dowladu ay qorsheyneyso in dhalinyaradaasi ay u qabato Qareeno u dooda.

Hadliye waxa uu sheegay in dowlada ay ahmiyad gaar ah siineyso dhalinyarada ku xiran dalka India, waxa uuna garwaaqsaday inay jiraan waxyaabo badan oo ay ka gaabisay dowlada Somalia.

Waxa uu sheegay inay aaminsan yihiin in inta badan dhalinyaradaasi ay ahaayen kaluumeysato loo xiray tuhun burcadbadeednimo, balse ay dowladu u qaban doonto Qareeno u soo dhiciya xuquuqdooda.

Waxa uu sidoo kale, sheegay in Dowladda Somalia in isku dayeyso maxaabiistaasi in dalka gudihiisa loo soo wareejiyo, isla markaana ay kala hadli doonaan dowlada India.

Haddalka Hadliye ayaa imaanaya iyadoo Wasaarada Arrimaha dibadda Somalia ay ku mashquulsan tahay dhaqaale uruursiga gaarka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com