FBI oo isku dayeysa inay ogaato arrin koox Soomaali ah qabsatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Dembi-baarista Federalka Maraykanka (FBI) ayaa la sheegay inay ku biireen Baaritaanka Weerarkii bishii June ee la soo dhaafay lagu qaaday Koox Somali Maraykan oo ku sii jeeday Tukashadda Salaadda ee Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.

Weerarkaasi waxaa lagu dhaawacay labo qof, kadib, markii nin hubeysan uu rasaas ku furay gaari ay la socdeen dadkaasi, sida ay u xaqiijiyeen Maamulayaasha Federalka.

Baarayaasha Boliska magaalladda Minneapolis iyo xubno ka tirsan FBI ayaa baarayo haddii ay Toogashadaasiku lug leedahay Fal Cunsuriyad Islaam Nacayb ah.

Weerarkaasi oo dhacay Waaberigii hore ee Bishii June 29-dii ayaa waxaa Falkaasi loo xiray nin lagu magacaabo Anthony Swaina oo 26 jir ah.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay gaariga ay la socdeen Dhallinyarada Soomaalida oo noociisu ahaa SUV,waxaana uu labo qof ka dhaawacay lugaha, halka saddex kalena aysan soo gaarin wax dhaawacyo ah.

Gacan-ku-dhiigle Sawina waxa uu ka baxsaday goobta, markii uu toogashada geystay.

Saraakiisha waxay xireen ninkaasi oo watay qori dhumucdiisu ahaa .380-caliber handgun, kaasi oo la rumeysan yahay inuu ahaa kii uu u adeegsaday Toogashadda.

Saraakiisha waxay kaloo gurigiisa ka soo heleen qori kale oo noociisu ahaa .380 caliber gun.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com