Khaatumo oo qaadatay go’aan ka dhan ah dowladda Sooomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Khaatumo ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dowlada Somalia ay ku fashilantay hanaanka Siyaasadeed, kan amni iyo guud ahaan qorshihii laga filaayay inay dalka ka hirgaliso mudada ay jirto.

Abshir Cabdicasiis Sheekh oo ah Wasiirka ku-xigeenka Arrimaha Gudaha maamulka Khaatumo, ayaa sheegay inaysan garaneynin sababta ay uga daba dhimanayaan dowlada Somalia oo iyadu ka jeesatay daryeelka iyo la socodka xaalada dadka ku dhaqan deegaanada maamulka.

Abshir Cabdicasiis Sheekh, waxa uu sheegay in Khaatumo ay qaadatay go’aano lid ku ah dowlada Somalia, waxa uuna carab dhabay inay xoojin doonaan xiriirka kala dhexeeya maamulka Somaliland oo Siyaasad ahaan ay isaga dhawyihiin dowlada Somalia.

Waxa uu sheegay in xili hore ay ka ganban jireen wada shaqeyn dhexmarta Khaatumo iyo Somaliland balse iminka ay miciin bidayaan inay soo dhaweystaan Somaliland oo fakir ahaan kasoo horjeeda dowlada Somalia.

Abshir Cabdicasiis Sheekh, wuxuu carabka ku dhuftay in sababta ka danbeysay wadahadalka kala dhexeeya Somaliland ay tahay dowlada Somalia oo iska indha tireysa xaqiiqda ka jirta deegaanada Khaatumo.

”DFS waxa ay la shaqeysay Maamul Goboleedyada qaar taas oo aan ahayn dan Qaran ee ay tahay Dan qaas ahaaneed, marba haddii ay ku fashilantay danta guud waxaan wada shaqeyn la sameyn doonaa Somaliland”

”DFS oo dalkeeda iyo dadkeeda dayacday anagu madadaal kama yeeleyno ee waxaan tiigsaneynaa wixii horteena ah”

”DFS waxaa noo dhaanta inaan nabadgalyo iyo ixtiraam kuwada noolaano Somaliland, waxaan u taaganahay inaan la shaqeyno dadkeena si ay u helaan xuquuqdii ay ku lahaayen dalka”

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay Abshir Cabdicasiis wadahadallada ay kula jiraan Soomaaliland aysan dooneynin in ay ku kala dhantaalaan midnimada umadda Soomaaliyeed ayna weli Aaminsan yihiin midnimada iyo Calanka Soomaaliyeed ee Buluuga ah.

Haddalka Abshir Cabdicasiis, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo DFS ay si cad uga gaabisay mas’uuliyadii ka saarneyd qiimeynta shacabka Khaatumo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com