Xog: Xasan mushaarkii ciidamada loo dhiibay balse si lama filaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan Saraakiil ciidan oo ka tirsan Hay’adaha amaanka ayaa sheegaya in Talisyada Ciidamada dalka ay Madaxweyne Xassan Sheekh ku wareejiyeen lacagihii mushaarka u ahaa ciidamada dalka.

Lacagahaani ayaa la sheegay in lagu shubay gacanta Madaxweynaha kadib markii uu amar ku bixiyay in lagu soo wareejiyo lacagaha Mushaarka u ah ciidamada.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegay in lacagahaasi uu uga gudbi doono laaluushka ay qaadan doonaan dhinacyada u wada ololaha doorashadiisa, waxaana la sheegayaa in ujeedka uu yahay in ciidamada ay muddo laba bil ah kusii shaqeeyaan mushaar la’aan maadaama dalka uu galaayo xaalad kala guur ah.

Damaca Xassan Sheekh ka galay mushaarka ciidamada ayaa yimid kadib markii Taliska AMISOM ay ballanqaaden inay xaqiijin doonaan amaanka goobaha ay ka dhici doonaan doorashada.

Madaxweyne Xassan ayaa ciidamada Somalia u arka inaanu munaasib ku aheyn inay sugaan amniga goobaha doorashooyinka isaga oo sabab uga dhigay inay dhicikarto inay fududeeyaan weeraro lagu qalqal galinaayo amniga.

Sidoo kale. damaca Xassan Sheekh ayaa soo degdegay kadib markii uu ballanqaadkaasi ka helay AMISOM, waxa uuna u arkaa in dhaqaalaha ciidamada uu ku maareeyo ololihiisa.

Madaxweyne Xassan ayaa horay u sheegay in dowladu aysan mushaar toos ah u heynin ciidamada balse ay dadaal ku bixin doonaan sidii looga kaaftoomi lahaa dhaqaalaha dibadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com