Xog: CC, Masar iyo Itoobiya oo shirqool halis ah u dhigay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo sirdoon oo laga helayo magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dalalka Masar iyo Itoobiya sirdoonadooda ay wadaan qorshe halis ku ah Soomaaliya.

Sirdoonka labada dal ayaa si qarsoodi ah kulamo kula yeeshay magaalada Addis-Ababa ra’iisul wassaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo loo balan qaaday dhaqaalo adag, hadii uu fulo qorshahaasi.

Getachew Reda oo ah madaxa xafiiska muqaabaraadka Itoobiya, iyo Gen. Khalid Maxamud Fu’ad Fawzy oo ah madaxa nabad sugidda Masar ayaa kulamo qarsoodi ah waxay Sharmaarke kula yeesheen magaalada Addis-Ababa, taasi oo ujeedka ugu weyn ay tahay sidii ay u sameysan lahaayeen saraakiil sirdoon oo lagu tababaro gudaha Itoobiya oo madax looga dhigo nabad sugidda Soomaaliya, qorshahaasina uu fuliyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, iyaga oo u balan qaaday in dowladahooda ay dhaqaale iyo taageeraba u fidin doonaan.

6f84e334-91f5-4160-a4e4-4ccc32be4b37

Kulanka ayaa sidoo kale waxa joogay Mohamed Dahlan oo reer Falastiin ah una qaabilsan Fatah dabagalka iyo shirqoolada Xamas, iyaga oo isla gartay sidii looga hortagi lahaa qorshe kasta oo lagu dhisi karo sirdoon awood leh oo ay dowladda Soomaaliya yeelato, loona fududeeyo kooxaha dowladda ku kacsan macluumaadka iyo hubka ay u baahan yihiin.

Waxa ay sidoo kale isku soo qaaden sida ay saraakiisha ugu badan ee hogaanka ay ugu yeelan lahaayeen ciidama Soomaaliyeed oo tababar looga furi doono kilinka 5-aad ee Itoobiya, taasi oo lacagta ku baxaysa loo sixiixay Itoobiya, Masarna ay hadda rabto inay la wadaagto mashruucaasi, iyaga oo isla gartay in agabka gaboobay oo kaliya la siiyo hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya.

Qaska iyo dhibaateynta ay Itoobiya la damacsan tahay Soomaaliya ma ahayn wax cusub, laakiin waxaa wax la yaab leh noqdey inay dowladda Masar ay qayb ka tahay burburinta dowladnimada Soomaaliya, iyaga oo dhawaana Muqdisho geeyey agab ay ugu yeereen kaalmo milatari oo ah gawaari dagaalkii labaad ee aduunka ka yimid oo loogu tala galay in lagu qiyaameeyo milatariga Soomaaliya.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa noqdey mid aan waxba kala socon heshiisyada qarsoon ee ra’iisul wasaaraha, kuwaasi oo caqabad ku noqon kara mustaqbalka Soomaaliya, iyaga oo isku mashquuliyay mooshin ay ku raadsadaan waxooga shilimaad ah halkii ay qaadi lahaayeen mas’uuliyadda dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com