Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo laga eryay Xalane iyo kulan fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan dowlada Somalia ay dajisay Jadwalka doorashada Somalia, ayaa waxaa Jadwalkaasi markii ugu horeysay kawada hadlay dowlada Somalia iyo Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Dowlada Somalia iyo Xubnaha Beesha caalamka ka jooga ayaa si qoto dheer uga wada hadlay qodobka la xiriira doorashada Somalia iyo qaabka loo hirgalin lahaa.

Mas’uuliyiinta DFS u mataleysay wadahadalka ayaa markii hore caqabado kala kulmay Xubnaha Beesha Caalamka, kadib markii lagu qabsaday qodobo dhowr ah oo ay dafireysay dowlada Somalia.

Bilowga kulanka waxa ay wakiiladu sheegen in dowladu aysan mudneyn inay kala hadlaan howlaha la xiriira doorashada bacdamaa xili hore aan lagala tashan qaabka ay dowladu wax u wado.

Muran iyo is maandhaaf dheer kadib ayay Wakiiladu soo jeediyeen in dowlada Somalia ay daacad ka noqoto arrimaha doorashada waxa ayna si ganbasho la’aan ah u sheegen inaysan ku calool fiyooben qaabka ay dowladu wax u wado.

Mudada uu wada hadalka socday ayaa waxaa hakat ku imaaday wadahadalka kadib markii mas’uuliyiinta dowlada Somalia lagu xujeeyay inay soo gudbiyaan qodobada qaar ay dowladu kasoo reebtay Jadwalka.

Kulankaani koowaad oo fashil kusoo dhamaaday ayaa waxa uu qeybtiisa labaad dhici doonaa gudaha Asbuuca soo socda, bacdamaa ay dowladu si maldahan isugu qaseyso xaqiiqda jirta.

Docda kale, Wakiilada Beesha Caalamka ayaa aad kaga careysan talaabooyinka ay qaaday dowlada Somalia, tan iyo markii laga weecday Jadwalkii hore ee doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com