Sawirro: Guuleed oo hoygiisa ugu tagay Sheekh Shariif + Qorshaha

Kampala(Caasimada Online) – Magaalada Kampala ee dalka Uganda waxaa ka dhacay kulan gaar ahaa oo dhexmaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Kulanka ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweyne C/Kariin Xuseen Guuleed uu gurigiisa ku booqday madaxweyne hore Sheikh Shariif Sheikh, kaasi oo ku yaala magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Kulankaasi ayaa waxaa kasoo baxayay warar dheeraad ah, waxaana la ogeyn ujeedada uu C/kariin Guuleed u tagay hoyga Kampala uu ka degen yahay madaxweyne hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee kulankaasi uu ku saabsanaa ayaa ahaa arimaha doorashada sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha ilaa iyo hadda Sheikh Shariif uu ka shaacin la yahay inuu musharax yahay.

13932952_1365523280143781_4686729889791103416_n 13938425_1365523253477117_3262849582727137688_n 14068153_1365523190143790_3721605519221816096_n