Xog: Sheekh SHARIIF oo qortay ciidamo XASAN SH. uu xumeeyay

Muqdisho(Caasimada Online ):-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda diiwaan galinta ciidamo dheeri ah oo si gaar u ilaalin doona amniga Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ciidamadaani ayaa la sheegayaa in badankooda ay u badan yihiin kuwo ku heeb ah Sheekh Shariif, waxa uuna qorshuhu yahay inay u dhabagalaan sida lagu xaqiijin lahaa amniga Sheekh Shariif oo isagu dhawaan kusoo fool leh magaalada Muqdisho.

Ciidamadaani ayaa waxa ay sidoo kale yihiin kuwo u badan ciidamo dhawaan ay ruqseysay dowlada Somalia, kuwaasi oo loo sababeeyay in dowladu aysan mushaar u heynin.

Ciidamada qaar ayaa waxaa ku jira kuwo la soo shaqeeyay Sheekh Shariif mudadii uu xilka qaran hayay, waxa ayna iminka usoo go’een dhanka Sheekh Shariif.

Saraakiisha loo qoondeeyay inay hagaan ciidamadaani ayaa waxaa sidoo kale, ku jira Saraakiil uu dhawaan darajada ka xayuubiyay Xassan Sheekh.

Tirada ciidamada loo diiwaan galinaayo Sheekh Shariif oo marba marka xigta sii kordhaaya ayaa waxaa iminka lasoo sheegay inay kor u dhaafayaan 450 kuwaasi oo mishaarkooda ay si gaar ah u bixin doonto QM iyo Hay’addo kale oo garabtaagan Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu ka qabsi qabaa in amni darro uu kala kulmo dowlada Somalia, gaar ahaan Madaxweyne Xassan Sheekh oo isaga si gaar ah uga didsan wadaadka.

Cabsida Sheekh Shariif ayaa soo daahirtay kadib markii uu helay xogo muujinaaya in loo maleegay weeraro iyo dil qorsheysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com