Ilhaan Cumar oo sharaxaad yaab leh ka bixisay fadeexada haraysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah uu sharaxan inay ka mid noqoto aqalka wakiilada gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sharaxaad ka bixisay eedeymo ku saabsan qiyaamo xagga guurka ah oo ay sameysay.

Ilhaan oo lagu eedeeyey inay walaalkeeda dalka Mareykanka ku keentay inuu yahay ninkeeda xilli ay qabtay ninka hadda qaba ee ay ilmaha u dhashay ayaa sharaxday sida ay u dhaceen labada guur ee la isku hayo.

Ilhaan waxay qirtay inay jiraan labada guur, waxayse beenisay inay guursatay walaalkeeda si ay Mareykanka u keento.

Bayaan ay soo saartay ayaa u qornaa sidan:-

“Sanaddii 2002, aniga oo 19 jir ah ayaa waxaan is guursanay Axmed Xirsi, oo inta uusan noqon muwaadin Mareykan ah loo yaqaanay Axmed Aadan, kaasi oo ah ilmaheyga aabahood iyo jaceylkeyga. Waxaan codsanay shahaado nikaax, balse ma aynan helin, sida darteedna guurkeena sharci ma ahayn marka loo eego sharciga Mareykanka, balse wuxuu ku saleysnaa xagga dhaqanka Islaamka. Sanaddii 2008, ayaan go’aansanay inaan kala tagno, markii xaalkeena xumaaday, si waafaqsan diinta.

Kadib waxaan xiriir la yeeshay muwaadin British ah oo lagu magacaabo Axmed Nuur Saciid Cilmi, waxaana is guursanay sanaddii 2009. Xiriirkeena wuxuu dhamaaday 2011 waana kala tagnay si waafaqsan diinteena. Kadib wuxuu ku laabtay dalkiisa UK. Laakin marka loo eego sharciga Mareykanka isagaa weli igu xiran, waxaana wadaa inaan iska furo. Wararka ah in Axmed Nuur uu yahay walaalkee waa been iyo aflagaado.

Wixii ka dambeeyey 2011 illaa iyo hadda waxana dib u heshiinay ninkeygii hore Axmed Xirsi oo aan dib isugu guursanay diinteena, haddana aan wada korsaneyno ilmaheena”

Halkan ka aqri qoraalka Ilhaan ay ku baahisay website-keeda

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com