Xog: C/W Gaas oo ku xumeeyey siyaasiyiin rabay in doorashada…

Muqdisho (Caasimada Online):-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo iminka safar ku jooga magaalada Addis Ababa uu xumeeyay Siyaasiyiinta dooneysa in dhanka Puntland ay kasoo galaan labada aqal.

Wararku waxa ay sheegayaan in C/wali Gaas uu si cad u diiday tirro Siyaasiyiin qaarkood ka imaaday dalka dibadiisa waxaana la cadeeyay inuu kaga digay inay gudaha usoo galaan Xarumaha lagu diyaarinaayo labada aqal ee Puntland loo qoondeeyay.

C/wali Gaas ayaa Siyaasiyiinta qaarkood u sheegay inaysan kamid noqon doonin labada aqal midkood, waxa uuna carab dhabay inay adag tahay inay meel kasoo galaan labaduba.

Waxa uu sheegay in labada aqal aysan kamid noqon doonin shaqsiyaadka kasoo horjeeda Siyaasadiisa xitaa haddii ay dhacdo inay ka imaadaan dhanka Odayaasha miisaanka ku dhex leh Siyaasada maamulka.

Gaas waxa uu tibaaxay in qoondada ay heshay Puntland loo sii qoondeeyay shaqsiyaad uu ku sheegay inay yihiin kuwa mudan oo xuquuqda Puntland soo dhicinkara.

Dhawaan ayay aheyd markii Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland ay C/wali Gaas ku dhaliileen inuu musuqaayo xubnaha labada aqal ee loogu tallogalay labada Gole.

Caasimada@live.com
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com