Dagaal beeleed ka qarxay gobolka Mudug + Khasaraaha dhimasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug, ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Gobolkaasi uu ka dhacay dagaal aad u xoogan oo u dhexeeyay maleeshiyaad wada dega deegaanada Bari gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan kaasi oo ahaa mid salka ku hayay aanooyin qabiil oo baryahaani danbe ahaa mid deegaanada maamulkaasi ka taagan.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa Seddex ruux, halka dhaawacana uu yahay mid kor usii dhaafaya kow iyo toban, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.

Dagaalkaani ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka ahaayen ciidamo ka tirsan maamulka kuwaasi oo ka dhinac dagaalamaayay mid kamid ah labada beel ee uu dagaalka u dhexeeyay.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo kasoo baxay maamulka deegaanada Bari gobolka Mudug, waxaana aad looga cabsi qabaa in dagaalka uu mar kale soo laalaabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com