R/W C/Weli Sheekh oo wajigabax kala kulmay dowladda KENYA.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/wali Sheekh Axmed uu wajigabax kala kulmay dowlada Kenya.

C/wali Sheekh Axmed oo waayihii danbe ku sugnaa magaalada Nairobi, ayaa dowlada Kenya ka dalbaday inay garab ku siiso doorashada Somalia, si uu uga mid noqdo musharaxiinta u tartameysa doorashada 2016-ka, balse waxaa la sheegayaa in dowlada Kenya ay u deerisay C/wali Sheekh Axmed.

C/wali Sheekh Axmed, waxa uu dowlada Kenya u sheegay in shaqsi ahaantiisa uu heysto dhaqaale uu ugu tallo galay doorashada, balse aysan u dhameyn una baahan yahay in garab laga siiyo doorashada si uu u guuleysto.

Dowlada Kenya oo iyadu ku mashquulsan garabsiinta musharaxiinta kale ee u taagan doorashada Somalia, ayaa C/wali Sheekh Axmed u sheegtay inaanu awoodin in dhowr jiho ay ku bixiyaan dhaqaale lagu taageeraayo musharaxiin kale.

Kenya waxa ay C/wali Sheekh Axmed u sheegtay inay suuragal tahay inay taageerto wixii ka danbeeya doorashada 2016-ka balse iminka aysan u furneyn inay garab ku siiyaan doorashada wakhtigeeda la gaaray.

C/wali Sheekh Axmed, ayaa ku howlan sidii uu kaga mid noqon lahaa musharaxiinta u taagan doorashada Somalia, waxa uuna rajo buuxda ka qabaa inuu guuleysan doono, walow musharaxiinta badi ay ku tiirsan yihiin dowlado dhaqaale badan heysta.

Guuldarida C/wali Sheekh Axmed, waxa ay ka dhigan tahay nasiib darro gaar ah oo ku habsatay Musharaxiinta Soomaalida oo gabi ahaantooda dawarsanaaya dalalka gumeysiga ku haya Somalia, si ay uga helaan dhaqaale lagu iibsado codadka Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com