Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax gaari loo adeegsaday uu goordhow ka dhacay agagaarka Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo ay la socdeen maleeshiyaad aan la garaneynin waxa ay ahaayen kaasi oo xiliga uu Qarxaayay ay eryinayeen ciidamo ka tirsan dowlada.

Dab ka dhashay Gaariga Qarxay ayaa sidoo kale la sheegay inuu qabsaday Kaalin shidaal oo Isgoyska Siinaay ku taala, waxaana la sheegayaa in Gaarigaasi ay wateen Kooxo hubeysan oo damacsanaa inay ku fuliyaan falal amni darro.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Kooxihii watay gaariga goortii ay arkeen in la eryinaayo ay isaga carareen sidaana uu ku Qarxay gaariga.

Goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa iminka ololeysa waxaana halkaasi ku qulqulaaya gaadiidka gurmadka iyo kuwa ciidamada dowlada.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay Qaraxa waxaase lasoo warinayaa in Qaraxaasi uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com