Dowladda GERMANY oo faafisay qoraal ka careysiiyay TURKIGA

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraalo lagu daabacay wakaaladaha reer galbeedka, ayaa waxaa lagu shaaciyay in dowlada Germany ay baahisay warqado cadeynaaya in dowlada Turkiga ay naas-nuujineyso Kooxaha Isliimiyiinta kuwooda meylka adag.

Wakaaladuhu waxa ay baahiyeen in warqado lasoo bandhigay ay qeexayaan in dowlada Turkiga ay taageero gaar ah u fidiso Kooxo ay kamid yihiin Xamaas, Akhwaanul muslimiinta Masar iyo Kooxaha muslimiinta ah ee kasoo horjeeda Bashaar Al-asad.

Germany waxa ay sheegtay in dalka Turkiga ay saldhig u noqdeen Kooxaha ku caanbaxay taageerida Islaamiyiinta qalqal galisa xasiloonida caalamka, kuwaasi oo loola jeedo dhowrka Kooxood ee kor ku xusan.

Wakaaladuhu waxa ay sheegen in dowlada Germany oo saaxiib la aheyd dowlada Turkiga ay ku dhiiraneyso inay ku biirto dowladaha caqabada ku ah xasiloonida dalka Turkiga.

Sidoo kale, Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibada Turkiga ayaa lagu canbaareeyay qoraalka kasoo baxay Wasaarada Arimaha Gudaha ee Germany.

Dowlada Turkiga ayaa dowlada Germany ka codsaday inay jawaab ka bixiso qoraalka saxaafada lagu baahiyay kaasi oo lagu qeexay in Turkigu uu la shaqeeyo Kooxaha ku caanbaxay xasilooni darrida.

Dhinaca kale, Qoraalada kasoo baxay dowlada Germany ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu shaaca ka qaaday in Reer Galbeedku ay u midooben qalqal galinta Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com