Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka ay Israa’iil sheegtay inay u magacowday Somaliland ayaa wajahaya diidmo adag, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si cad ugu tilmaamtay tallaabo kale oo xadgudub ku ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda, halka haatan ay dalal kale muujiyeen diidmadooda.
Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada, iyaga oo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay xoghaynta guud ee OIC ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay si toos ah uga hor imaanayso mabaadi’da sharciga caalamiga ah, isla markaana ay dhaawacayso wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
OIC ayaa sidoo kale Somaliland ku tilmaantay “gobol ka tirsan waqooyi-galbeed Soomaaliya,” waxayna si cad u diiday sharciyadda magacaabista wakiilkaas diblomaasiyadeed.
Ururka ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay qaaday tallaabo aan waafaqsanayn axdiyada Qaramada Midoobay, isaga oo ku sifeeyay inay tahay “quwad gumeysi” ku kacday fal ka dhan ah nidaamka caalamiga ah.
Dhanka kale, Jaamacadda Carabta ayaa iyaduna bayaan rasmi ah ku sheegtay in tallaabada Israa’iil ay tahay mid “baadil ah oo aan sharci ahayn,” isla markaana si cad u dhaawaceysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Jaamacadda Carabta waxay tilmaamtay in arrintan ay halis gelin karto xasilloonida gobolka, isla markaana ay sii hurin karto xiisado cusub oo ka dhasha Geeska Afrika.
Waxa kale oo ay xustay in Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta uu hore u qaatay mowqif mideysan oo diiday aqoonsi ama xiriir dibadeed oo lala sameeyo maamul ka baxsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Labada urur ayaa si gaar ah uga digay in tallaabooyinka noocan ah ay saameyn ku yeelan karaan amniga marin-biyoodka istiraatiijiga ah, sida Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marinka Bab-el-Mandeb.
OIC waxay mar kale caddeysay inay si buuxda u taageersan tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay garab taagan tahay ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka.
Ugu dambeyn, OIC iyo Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ixtiraamaan shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah, kana fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Israa’iil ayaa Arbacadii shaacisay inay magacowday safiirkeedii ugu horreeyay ee ay u soo dirto Somaliland, oo dabayaaqadii sanadkii hore ay sheegtay inay aqoonsatay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku xaqiijisay in Michael Lotem loo magacaabay danjire aan fadhigiisu ahayn Hargeysa, balse u qaabilsan Somaliland (non-resident ambassador).
Lotem ayaa horey u ahaa safiirka arrimaha dhaqaalaha ee qaaradda Afrika, isaga oo aan fadhigiisu ahayn qaaradda. Wuxuu sidoo kale hore u soo noqday safiirka Israa’iil ee dalalka Kenya, Asarbayjaan iyo Kasakhistaan.
Somaliland, oo aan haysan aqoonsi rasmi ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-kii, ayaa u dhaqanta sidii maamul dhab ahaan u madax-bannaan, lehna nidaam maamul, mid siyaasadeed iyo mid amni.
Inkastoo dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan awood u lahayn inay si buuxda u maamusho gobolkaas, haddana arrimaheeda waxaa wax laga weydiiyaa Muqdisho, iyadoo hoggaanka Somaliland-na ay ilaa iyo hadda ku guuldareysteen inay helaan aqoonsi caalami ah oo buuxa.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba diiddan inay Somaliland u aqoonsato dowlad madax-bannaan, waxayna u aragtaa qeyb muhiim ah oo ka mid ah dhulweynaha Jamhuuriyadda.
Dowladda ayaa sidoo kale heshiis kasta oo toos ah ama xiriir diblomaasiyadeed oo lala yeesho Somaliland u tixgelisa xadgudub toos ah oo ka dhan ah qaranimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka, waana tan keentay in diidmo adag ay kulmaan tallaabooyinka Israa’iil.

