29.9 C
Mogadishu
Thursday, May 21, 2026

Soomaaliya oo wajahaysa halista cudurka Ebola ee ku sii fidaya Afrika

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cudurka Ebola ayaa haatan kusii fidaya dalal ka tirsan Afrika, gaar ahaan Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay soo saartay digniino ku saabsan kororka kiisaska cudurkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhankeeda soo saartay digniin ku saabsan halista cudurka Ebola, inkastoo ilaa hadda aan la arkin hannaan rasmi ah oo lagu baarayo ama lagu diiwaan-gelinayo dadka ka imanaya waddamada uu cudurka ka dilaacay.

Garoomada diyaaradaha dalka, gaar ahaan kan Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa laga hirgelin xarumo ama baaritaanno adag oo lagu hubinayo xaaladda caafimaad ee rakaabka kasoo degaya duulimaadyada ka imanaya Uganda iyo dalalka kale ee laga helay kiisaska cudurkan.

Uganda oo xiriir dhow la leh Soomaaliya ayaa maalin kasta waxaa kasoo dega duulimaadyo rayid iyo kuwo militari, kuwaasi oo aan weli la marsiin habraacyo adag oo caafimaad, inkastoo WHO ay si joogto ah uga digeyso faafitaanka cudurka Ebola.

Sidoo kale, Uganda waxaa ku sugan xarumo muhiim u ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana dalka jooga kumannaan askari oo u dhashay Uganda, kuwaasi oo si joogto ah isaga kala goosha labada dal.

Khubarada caafimaadka ayaa ka digaya in dhaq-dhaqaaqa joogtada ah ee dadka iyo ciidamada uu sare u qaadi karo khatarta faafitaanka cudurrada halista ah, haddii aan la adkeyn kormeerka caafimaad ee xuduudaha iyo garoomada diyaaradaha.

Cudurka Ebola ayaa ka mid ah cudurrada ugu halista badan ee faafa, waxaana sababa fayras si fudud ugu gudbi kara dadka marka uu xiriir dhow la yeesho qof qaba cudurka ama dheecaannada jirkiisa.

Astaamaha cudurka waxaa kamid ah qandho daran, madax-xanuun, daal joogto ah, murqo-xanuun, matag, shuban iyo dhiig-bax ka yimaada xubnaha jirka qaarkood, iyadoo xaaladaha daran ay sababi karaan dhimasho deg deg ah.

Hay’adda WHO ayaa bulshada ku boorisay inay si joogto ah uga shaqeeyaan nadaafadda gacmaha, kana fogaadaan taabashada dadka lagu arko calaamadaha cudurka, isla markaana qofkii isku arka astaamo la xiriira Ebola uu deg deg ula xiriiro xarumaha caafimaadka.

Dalal badan oo caalamka ah, oo uu Mareykanku ugu horreeyo ayaa sare u qaaday heeganka caafimaad ee garoomada diyaaradaha, si loo baaro dadka kasoo safraya dalalka uu cudurka ka jiro.

Dalalka Bariga Afrika ayaa leh isu socod furan oo qeyb ka ah isdhexgalka dhaqaale iyo bulshada ee gobolka, taasoo kordhin karta halista gudbinta cudurrada haddii aan la sameyn taxaddarro caafimaad oo adag.

Iyadoo ay sii kordhayaan digniinaha caalamiga ah ee ku saabsan Ebola, ayaa waxaa jira walaac laga qabo in Soomaaliya ay wajahdo khatar caafimaad haddii aan si deg deg ah loo qaadin tallaabooyin lagu xoojinayo baaritaanka, wacyigelinta iyo dabagalka dadka kasoo galaya dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News