Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo siyaabo kala duwan ula hadlay qaar kamid ah warbaahinta Puntland xili uu ku sugan yahay Magaalada Washington DC ee Xarunta Waddanka Maraykanka, ayaa si adag uga hadlay shirkii kusoo dhamaaday magaalada Istanbuul.
Madaxweyne C/wali Gaas, ayaa beeniyay wararka sheegaya in shirka Turkiga ay ku matalayeen mas’uuliyiin ka socta maamulka waxa uuna farta ku goday in hadalkaasi uu yahay mid been abuur ah oo ay faafisay Dowlada Somalia.
Madaxweyne C/wali Gaas waxa uu cadeeyay in mar waliba mowqifkooda uu yahay midkii hore waxa uuna farta ku goday in Puntland ay gaari doonto go’aankii ay muddo badan ku taami jirtay.
Waxa uu sheegay in maqnaanshiyaha Puntland ay fursad u aheyd Dowlada Somalia, waxa uuna carab dhabay inaan jirin cid gaar ah oo ku qasbi karta waxa kasoo baxay shirkaasi, isaga oo dhaliil dusha ka saaray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid.
Puntland ayuu sheegay inaysan u joogsan doonin wax waliba oo ku aadan caqabadaha soo wajahaaya, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Puntland ay la imaaneyso Mowqif ka adag kii ay horay u tiigsatay.
Haddalka iyo Carada C/wali Gaas ayaa u muuqaneysa mid uu si gaar ah uga gubtay Khudbadii Xassan Sheekh iyo wareysi uu bixiyay Sharmaarke waxaana suuragal ah go’aanka shirka Istanbuul uu hoos usoo dhigo ad adeega Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]