Daawo Xasan Sheekh: “In aan tacsi ugu tago ka badan bay iga mudan yihiin Kenyanka” (Wareysi)

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxwweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Somali Cable kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalka Soomaaliya.

Waxa uu ka hadlay doorashada 2016, nidaamka 4.5 iyo diidmada maamulka Puntland ee arrintan ku wajahan.

Hase yeeshee arrinta ugu xiisaha badan ee uu ka hadlay ayaa ahayd murankii ka dashay booqashadii uu ka tagay dalka Kenya markii askar badan looga laayey Ceel-Cadde.

Xasan Sheekh ayaa qeybaha dambe ee wareysiga lagu weydiiyey sababta uu tacsida ugu aaday Kenya, ayada oo Soomaalidii ku geeriyootay weerarkii Liido uusan u tacsiyeyn.

“Inaan tacsi ugu tago ka badan ayay iga mudan yihiin Kenyanka” ayuu yiri Xasan

Wareysiga oo dhan hoos ka daawo.