Gaas oo fariin jees jees ah u diray caalmka & DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa si jees jees ah uga hadlay Safar la sheegay in Ra’isul wasaaraha Somalia iyo Wakiilada Beesha Caalamka ay ku gaarayaan magaalada Garoowe.

C/wali Gaas ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan ilaa iyo hadda garan karin sababta Wafdiga Dowlada iyo kuwa Beesha Caalamka ay booqashada ugu imaanayaan magaalada Garoowe waxa uuna cadeeyay in meesha ay ka baxday is booqashadii hore.

Gaas waxa uu sheegay in Wafdiga kusoo wajahan Garoowe ay maalmo un ka hor ay isugu danbeysay, waxa uuna tilmaamay in booqashadooda aysan wax ka bedeli doonin go’aanka ay Dowlada qaadatay iyo kan la gudboon Puntland.

Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Puntland aysan u kala soocneyn Beesha Caalamka iyo Dowlada Somalia waxa uuna farta ku goday in marnaba aysan Puntland ku raali noqon doonin shirkii lagu qorsheeyay Muqdisho iyo go’aanka kasoo baxay.
Sidoo kale, C/wali Gaas waxa uu carab dhabay in Puntland aysan baahi xiligaani u qabin gurmad kaga imaada dhanka Beesha Caalamka iyo Dowlada Somalia, sidaa aawgeedna ay isku filan tahay dhanwaliba.

Geesta kale, Wakiilada Beesha Caalamka ayuu kaga digay inay kusii fogaadan faragalin ay ku sameeyan Siyaasada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com