26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Gaas oo go’aan aan laga fileyn ka qaatay mustaqbalkiisa siyaasadeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa muujiyey go’aan siyaasadeed mustaqbalkiisa ku saabsan oo aan laga fileyn xilli cadaadis xooggan uu saaran yahay.

Gaas oo ka hadlay furitaanka haamanka shidaalka garoonka Boosaaso, ayaa sheegay inuusan kusoo noqon doonin hoggaanka maamulka Puntland haddii uu dhameysto waqtiga uga haray xilligiisa oo ah illaa hal sano.

Gaas oo dhalleecanaya dad uu sheegay inay qal-qal siyaasadeed ku hayaan Puntland ayaa yiri “kuwa doonaya in xukunka yimaadaan, waqtiga yar ee noo haray ha sugaan, anagaaba dooneyna inaan banneeno oo aan sii jooginee”.

Hadalka Gaas ayaa yimid, ayada oo qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland ay wadaan mooshin la doonayo in xilka looga qaado.

Cabdi Weli Gaas ayaa tan iyo markii uu xukunka yimid, waxaa aad u kordhay amni darrada ka jirta Puntland, ayada oo ciidamada maamulkana ay marar badan ka cabteen mushahar la’aan.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu yahay maqane xukun haya, oo inta badan waqtigiisa ku qaata magaaloyinka Muqdisho, Addis-Ababa iyo Nairobi, oo aanu wax war ah u hayn xaaladda Puntland.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in cadaadiska saaran Gaas dartiis aanu haweysan karin inuu mar kale is-sharxo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News