Keating oo ka hadlay sida ay beesha Caalamka u aragto meel marinta Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating, ayaa ka hadlay ansixinta Ra’isul wasaaraha xukuumada cusub ee Somalia.

Michael Keating, ayaa sheegay in Xildhibaanada BFS ay go’aan lama filaan ah ka qaaten meelmarinta Kheyre, waxa uuna sheegay in Baarlamaanka uu gartay ahmiyada ay leedahay in la fududeeyo waxyaabaha maslaxada ugu jira Qaranka.

Michael Keating, waxa uu sheegay in caalamka ay tusaale u noqon doonto talaabadii 231 xildhibaan ay ku meel mariyeen Xasan Cali Khayre.

Keating, waxa uu sheegay in Beesha Caalamka ay soo dhaweyneyso qaabka wanaagsan ee ay sameeyeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, maadaama ay si Dimuqraadiyad ah ku ansixiyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Michael Keating waxa uu Xildhibaanada BFS ku ammaanay howsha wanaagsan ee ay qabteen iyo kalsoonida ay siiyeen Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Keating, ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay kasoo dabcaan go’aanadii hore oo ay ka shaqeeyan waxyaabaha maslaxada ugu jira Qaranka Somalia, isagoo faray inay ka waantoobaan Mooshinka iyo wixii lamid ah ee sababikara kala irdhoobida madaxda Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com