Xog: Golaha wasiirada cusub oo ka bedelnaan doona sidii la filayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu wado dadaalo uu ku kordhinaayo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wsaaaraha ay isla arkeen Hanaanka lagu qancin karo Beelaha Soomaaliyeed, si looga fogaado dhaliilo loo soo jeediyo Dowlada Cusub.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa la sheegay inay isla garteen in la kordhiyo Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, isla markaana la kala qaado dhammaan Wasaaradaha isa saaran si loo helo Wasaarado ku filan Beelaha Soomaaliyeed, sida aan xogta ku heleyno.

Qorshaha Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa la xaqiijiyay in Wasiirada la magacaabi doono ay gaari doonaan ilaa Sagaal Wasaaradood, iyadoo Ujeedka lagu sheegay qancinta Beelaha Soomaaliyeed.

Sagaalka Wasaaradood ayaa sidoo kale la sheegay in lagu biirin doono Sagaal Wasiiro Dowlo oo ka hoos shaqeyn doona Wasiirada, sida aan xogta ku heleyno.

Waxaa suuragal ah in Wasaaradaha la magacaabi doono ay cadadkaasi kor u dhaafi doonaan, maadaama Madaxweynaha Somalia uu sheegay in Dowladiisa ay heysato ballanqaad dhaqaale oo ku filnaankara Dowlada iyo Shacbigeeda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa Golaha Wasiirada kala imaan doona banaanka waxa ayna dhawaan sheegen in Golaha aysan kamid noqon doonin labada Gole ee Baarlamaanka, walow aan la ogeyn sida ay wax isku bedeli doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com