Xog: R/W Kheyre oo damacsan qorshe cusub oo ku wajahan beelaha

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu bilaabay la tashiga Siyaasiyiinta iyo Beelaha Soomaaliyeed si uu usoo dhiso Xukuumada laga sugaayo.

Ra’isul wasaaraha ayaa Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka ku qaabilaaya hooyga uu ka degan yahay Villa Somalia, waxa uuna ka wareysanayaa Hanaanka ugu sahlan ee lagu dhisi karo Xukuumad ka duwan kuwii hore.

Ra’isul wasaaraha ayaa dhinacyadaasi kala tashanaaya suuragalnimada in la kordhiyo Golaha iyo in laga yareeyo cadadka ay lahaan jireen Xukuumadihii isaga ka horeeyay, waxaana la filayaa in la tashiyada kadib uu Ra’isul wasaaraha ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.

Wasaaradaha sida aadka ah loo daneynaayo ay kamid yihiin Wasaarada Amniga, Gudaha, Dibadda, Dastuurka iyo Wasaarada Gaadiidka, cirka iyo dhulka.

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa daneynaaya in qaar kamid ah Wasaarada ugu muhiimsan loo dhiibo misna lagu tijaabiyo beelaha aan horay usoo qaban Wasaaradaha tayada leh, si loo dhaqan galiyo baahida loo qabo Isbedel ku imaada Siyaasada Somalia.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa la filayaa in dabayaaqada Asbuuca soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com