Erdogaan oo ku dhawaaqay go’aan culus iyo in ciidamadiisa ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka hadlay duulaanka ay Ciidamadiisa ku qaaden dalka Suuriya gaar ahaan magaalada al-Bab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada Turkiga ay guulo la taaban karo ka gaareen ka qeybqaadasha dagaalka ka socda dalka Suuriya, waxa uuna sheegay in duulaanka Ciidamadiisa aysan intaa ku ekaan doonin.

Erdogan, waxa uu sheegay in markii ay Ciidamadiisa soo dhamaystiraan hawlaha Suuriya ee magaalada al-Bab, inay u wareegi doonaan dhinaca magaalada Kurdishka ay haystaan ee Manbij.

Isagoo ka hadlaayay ayuu yiri “Hadda waa waqtigii Manbij, magaaladaas oo ay iska leeyihiin carabta, ma laha xisbiga PYD ama YPG,”

Waxa uu sheegay in Ciidamada Turkiga ay qabsadeen bishii lasoo dhaafay al-Bab, waxa uuna tilmaamay in mudada ay halkaasi heystaan ka dhaliyeen Nabad muuqata oo aan cilad laga sheegin.

Erdogaan waxa uu sheegay in magaalada al-Bab laga nadiifiyay waxa uu ugu yeeray argagixisada Daesh oo uu sheegay inay gumaad ku heysay dadka deegaanka.

Waxa uu sidoo kale Erdogaan sheegay in Bishii Agoosto 2016, ciidamada Turkiga ay bilaabeen hawlgalada weyn ee milatari ee Syria, oo uu sheegay in loogu magac daray “Yufraad Shield,” waxa uuna cadeeyay in howlgalkaasi ay guul ka gaareen Ciidamada Turkiga, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogaan waxa uu sheegay in ololaha militari loogu talagalay in lagu riixo Daesh ee xuduuda Turkiga iyo Suuriya islamarkaana ay joojiyaan oo ay ka hortagaan ciidamada Kurdishka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com