26.6 C
Mogadishu
Friday, June 5, 2026

Madaxweyne Magufuli: Guusha doorashada Somalia waxay muujineysaa hal arrin + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dar es Salaam (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dalka Tanzania John Magufuli ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Somalia mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Kulan gaar ah oo dhex maray madaxwaynaha dalka Tanzania John Magufuli iyo Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Tanzania Mudane Mohamed Hassan Abdi aqalka madaxtooyada (State House) ayuu hoosta ka xariiqay madaxwaynaha Tanzania in dowladiisu ay ku faraxsantahay doorashada ka dhacday somalia iyo madaxwaynaha cusub ee la doortay.

Madaxwayne Magufuli ayaa sheegay in ay diyaar u tahay dawladiisu la shaqeynta madaxweynaha cusub ee la doortay ee Somalia

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay madaxweynihii hore ee Somalia sida ugu dedaalay in doorashadu si guul ah ku dhamaato.

Madaxwaynaha Tanzania Mudane John Magufuli ayaa sheegay guusha doorashada Somalia ay muujineyso hal arrin oo ah in Somalia ay cagta saartay wadadii dimuqraadiyada.

Madaxwaynaha Tanzania ayaa danjiraha Somalia u fadhiya dalkan Tanzania Mudane Mohamed Hasan Abdi ka codsaday in uu ka gaadhsiiyo salaan qaaliya isagoo ku hadlaya magaca iyo shacabka dalka tanzania

Waxa kale oo uu sheegay in uu ku diirsaday sidii ay u dhacday doorashadu iyo sida fiican ee xilka loola kala wareegay, taas oo uu ku tilmaamay guul wayn oo u soo hoyotay africa.

Madaxwaynaha Tanzania John Magufuli waxa kale oo uu tilmaamay in dawlada cusubi ina noqon doonto mid horumar la timaada aadna loogu raja waynyaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News