Dhageyso: Cod sir ah oo laga helay Feysal Cali Waraabe, sir badana laga ogaaday

Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa shir gaar ah oo uu la qaatey koox la aaminsan yahay in ay ahaayeen ardaagiisa hoose waxa uu uga sheekeeyey qorshaha xisbiga iyo dadka ay doonayaan in ay wax la qaybsadaan.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xisbigiisu aanu lahayn xulofo, laakiin gundhigiisu ahaa qoyska hoose ee uu ka soo jeedo Waraabe.

Faysal Cali Waraabe oo markii saddexaad u sharaxan Madaxweyne ayaa codkan la helay uga sheekeeyey qabiilada ay bartilmaameedsanayaan ee ay ugu tala galeen Madaxweyne ku-xigeenka, iyo jagooyinka kale ee muhimka ah sida guddoomiyaha Aqalka sare.

Faysal Cali waraabe ayaa codkan ku sheegay in wadahalka Dhulabahante iyo Somaliland isaga yahay ninka isku haya labada dhinacba ay u kalsoon yihiin sida uu hadalka u dhigey.

Hoos ka dhageyso codka Feysal Cali Waraabe

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com