Trump oo xayiraada ka qaadaya mid ka mid ah 7 dal ee laga mamnuucay Maraykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu shaaciyo in dalka Iraq laga saaray liiska 7-da waddan ee Muslimka ee horey dadkooda looga mamnuucay inay ku soo galaan Maraykanka.

Qorshaha dalka Iraq looga saaraayo liiska 7-da waddan ee Muslimka ah, ayaa waxaa wada xoghayayaasha Arrimaha Dibedda iyo Difaaca ee Maraykanka oo iyagu la sheegay in Madaxweyne Trump ay ku cadaadinayaan in dalka Iraq ka qaado Cunaqabataynta.

Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad, ayaa Wakaalladda Wararka AP u sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu ka laaban doono Cunaqabataynta la saaray Muslimiinta Iraq.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii Janaayo 27-dii ee sannadkan Xayirad dhinaca Socdaalka ku soo rogay Muwaadiniinta ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan, Syria, Yemen, Libya, Iran iyo Iraq.

Go’aanka Donald Trump uu xayiraada uga qaadayo Iraq ayaa albaab u furi doonta wadamada kale ee laga mamnuucay inay galaan Maraykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com