Dhageyso: Farmaajo oo shaaca ka qaaday hal ku dhigga cusub ee dowladdiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta shaaca ka qaaday hal ku dhig cusub oo dowladdiisa ay yeelan doonto looguna magac dari doono.

Farmaajo oo khudbad u jeediyey xildhibaanada baarlamanka ayaa sheegay in dowlad walba in ay leedahay hal ku dhig iyo astaamo u gaar ah, sidaa darteedna hal ku dhigga dowladdiisa uu yahay “ Dib u heshiisiin iyo Dib u dhis”

Waxa uu sheegay dowladan in ay ku dhisan tahay saddex arrimood oo aas aasi ah, kuwaasi oo kala ah Amaanada ummada ay Dowladda u dhiibatay, Cadaalada in lagu shaqeeyo iyo Hormarka Dalka.

Sidoo kale Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay muhiim in ay tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka in ay wada shaqeyn dhex marto, si guul loo gaaro.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) waxa uu ka sheegay xilli uu ka qeyb galayay Kalfadhiga koowaad ee Baarlamaanka Federaalka, kaasi oo lagu ansixinaayay Ra’iisul Wasaaraha cusub Xasan Cali khayre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com