Daawo: Somaliland oo musaafurisay dad ku kacay falal ka dhan ah diinta

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa masaafurisay laba sarkaal oo ka tirsan Hay’adaha DRC iyo DDG ee arrimaha gargaarka u qaabilsan dalka Denmark, ka dib markii ay ku kaceen falal la sheegay inay lid ku tahay diinta Islaamka.

Musaafurinta Saraakiishaani ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Maxamed Ibraahim ”Qabo” oo sheegay in labada mas’uul ee la masaafuriyay mid ka mid ahi uu qof shaqaalaha ka mid ah ka horjoogsaday inuu tukado.

Sargaalka kale ayuu sheegay inuu wax ka sheegay aadaanka masaajidyada, waxa uuna sheegay in labadaasi Sargaal ay ka weecdeen Howlaha shaqo oo ay ku joogaan Somaliland, sidaa darteedna ay ka Musaafuriyeen Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in goobta shaqada ee Hay’adahaasi aanay ka jirin wax diinta wax u dhimaya, balse labadan qof ay ahaayeen kuwo iskood u sameeyay falkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com