Gaas oo loolanka ugu adag kala kulmaya siyaasi aan musharax ahayn (Aqriso)

Iyadoo maalmo ay naga xigaan doorashada Puntland ee la filayo in la qabto 8-da Janaayo, ayaa waxaa haatan cad dhinacyada sida weyn isugu hayo.

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa tartan adag ugu jira sidii dib loogu soo dooran lahaa, balse waxaa dhinaca kale aad u abaabulan oo ka soo horjeeda musharaxiin is bahaystay oo sheegay inay is baddal doon yihiin.

Sida uu sheegayo Ciid Baddel Maxamad, oo horey u soo ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, doorashadan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa masiirka madaxda maammul goboleedayada kale, iyo weliba doorashada federaalka la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sannadka 2020-ka.

Ciid ayaa intaasi ku daray in tartanka ugu weyn uu Cabdiweli kala kulmayo siyaasi aan musharax ahayn, oo ah Senator Cabdiraxman Faroole.

Musharixiinta Faroole ka ag dhaw:

Dhowr musharax oo culus ayaaa lagu tirinayaa inay ka ag dhow yihiin Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxman Faroole, oo haatan ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Faarax Cali Shire

Faarax waxaa uu ka mid yahay musharixiinta ugu cad-cad doorashada madaxweynaha Puntland. Waxa uu ahaa wasiirkii maaliyadda ee Puntland xilligii uu madaxweynaha Puntland ka ahaa Cabdiraxman Faroole.

Saciid Cabdullahi Deni

Danjire Ciid Baddel Maxamad ayaa sheegay in Saciid Deni uu ganacsi ahaan ugu xiran yahay Senator Faroole, wuxuuna ka mid yahay musharixiinta is baddel doonka ah ee ugu cad-cad.

Gen Khalif Ciise Mudan

Gen Khaliif waxaa uu wasiir u soo ahaa maammulkii Faroole, haatanna waxaa lagu tiriyaa musharixiinta is baddel doonka ah ee lagu tiriyo inay isbahaysi la yihiin madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxman Faroole.

Cali Ciise Cabdi

Sidoo kale Danjire Ciid Baddel, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Cali Ciise uu taageero weyn ka helayo Senator Cabdiraxman Faroole, musharaxnimadiisana waxay wax weyn ka baddaleysaa siday u dhici lahayd codbixinta, maadaamma inta badan xildhibaannada baarlamaanka lagu soo doortay hannaan lagu saleeyay qabaa’ilka deggan Puntland.

Cabdiweli Gaas iyo Cabdi Faarax Juxa

Dhanka kale waxay u muuqataa in Cabdiweli Gaas iyo Juxa, ay yihiin musharixiinta u taagan in siyaasadda Puntland ee ku aadan dowladda federaalka halkeedi laga sii wado, balse waxay wajahayaan tartan culus oo uga imaanaya musharixiinta kale, oo intooda badan ay doonayaan in Puntland ay la jaanqaaddo dowladda dhexe ee federaalka.

Doorashada 2020-ka ee Soomaaliya

Dadka wax indha-indheeya intooda badan waxay qabaan in doorashada Puntland ay astaan u noqon karto halka ay wax u jiheysan doonaan doorashada la filayo in Soomaaliya laga qabto marka uu dhamaado xilliga madaxweyne Farmajo.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa hormuud u ah loollanka ay maammul goboleedayada kula jiraan dowladda federaalka ee Soomaaliya. Haddii uu guuleysto ama musharax la fikir ah uu soo baxo, waxay micnaheeda noqoneysaa in fursad ay yeeshaan madaxda maammul goboleedyada ee doorashooyinka ay ku soo fool leeyihiin.

Balse haddii uu soo baxo musharax diyaar u ah inuu la shaqeeyo dowladda federaalka ee Soomaaliya, waxaa fududaan doonto in la isku fahmo qaabka loo qaban doono doorashooyinka dalka ka dhici doono sanadka 2020-ka.

Xuquuqda qoraalka: BBC Somali