Cabdi Weli Gaas oo madaxda CARABTA kala soo hadlaya arrimo xasaasi ah

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Sabti ah ka dhoofay magaalada Garoowe isagoona ku sii jeeda dalka Imaaraadka carabta oo uu casuumaad rasmi ah ka helay.

Wafdiga madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah xubno ka tirsan wasiiradiisa iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu socdaalkiisa la xiriiro marti qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dowladda Imaaraadka carabta, isagoona intaas ku daray in muddo shan cisho ay maqnaan doonaan isaga iyo wafdiga uu hoggaaminaayo.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha ay kala hadli doonaan isaga iyo madaxda Khaliijka wuxuu sheegay in ay kamid yihiin xiriirka u dhexeeya labada dhinac iyo Puntland laga caawiyo dib u dhiska iyo ammaanka deegannada ay ka arrimiyaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa tan iyo markii uu xafiiska qabtay horaantii sannadkan wuxuu socdaalo badan ku tahay dhowr waddan oo ku yaalla gobalka oo ay ka mid tahay dalka Yemen.

Puntland ayaa ka mid ah deegannada nabdoon ee ku yaalla Soomaaliya, waxaana ay hadda dooneysaa in si madax banaan ula macaamisha beesha caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com