Gaas oo muddo kadib soo xasuustay qabaa’ilada lagu hagray baarlamaanka

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay qorsho cusub oo ay ka damcsan yihiin baarlamaanka maamulka Puntland.

Gaas waxa uu sheegay in maamulka uu doonaayo in la Kordhiyo tiradda baarlamaanka Puntland, waxa uuna sheegay inuu warqad qoraal ah u gudbiyay Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Gaas, ayaa sheegay in sababta loo kordhinaayo baarlamaanka ay tahay si qabaa’ilo ka maqan barlamaanka ay ugu yeeshaan xubno matalaad ah.

Isagoo arrintaani ka hadlaayay ayuu yiri ” Waxaan qirayaa in barlamaanka Puntland ee 66-da ah 50% dadku ay ka maqan yihiin, qabiilada qaar waa ku jiraan qaarna waa ka maqan yihiin”

C/wali Gaas, waxa uu sheegay in Puntland ay u baahan tahay cadaalad waxa uuna xaq daro ku tilmaamay in qabaa’ilada qaar ay helaan kuraas qaarna ay waayan.

Wuxuu xusay inaysan xaq ahayn in barlamaanka Puntland uu ahaado sidii lagu asaasay 19 sanno ka hor, wuxuu ballanqaaday in qabaa’ilada ka maqan uu xuquuqdooda u raadin doono.

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ah kan ugu yar ee Baarlamaanka dowlad goboleedyada dalka ka jira dalka.

Si kastaba C/wali Gaas ayaa looga fadhiyaa inuu kordhiyo xubnaha baarlamaanka maamulka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET