Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas ayaa wali ku adkeysanaaya go’aankii uu ka qaatay natiijada kasoo baxday madasha wadatashiga, waxa uuna ku celceliyay in Puntland aysan raali ka aheyn waxa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Cabdiwali Gaas oo siyaabo kala duwan ula hadlay Saxaafada Puntland ayaa sheegay in sababta uu natiijadaasi u diiday ay tahay daacad nimo ku jirta waxa uuna sheegay in raali uusan ka aheyn in Umadda Soomaaliyeed la kala sooco oo cidna loo badnaado cidna loo yareeyo xuquuqdii ay lahaayen.
Madaxweyne C/wali waxa uu shacabka reer Puntland u ballanqaaday xili uu ka hadlaayay Saxaafada in marnaba uusan usoo qaadi doonin wax aysan raali ka aheyn.
Waxa uu sidoo kale, u ballanqaaday in masiirka Umadda Soomaaliyeed uusan ku raali galin doonin Madaxweynaha Somalia iyo Dowladiisa.
Ugu danbeyntii Dowlada ayuu ugu baaqay inay la imaado daacad nimo ku dheehan cadaalad iyo sinaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]