Somaliland oo la safatay Gaas kana Jawaabay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay go’aankii shirka madasha wadatashiga qaran ee Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo idleeyay maalmo ka hor, kaasi oo dhigayay in hab beeleed lagu soo dhiso aqalka hoose ee baarlamaanka.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa waali ku tilmaamay go’aanka lagu sheegay in Somaliland ay 11 xubin ku leedahay aqalka sare ee baarlamaanka, maadaama hab maamuleed lagu soo xulayo aqalkaasi.

Sidoo kale wuxuu kamid noqday maamulka Somaliland maamulka Puntland oo diiday go’aanada kasoo baxay shirka, kadib markii C/welli Gaas uu ku qanci waayay qodobada qaar ee laga soo saaray shirka.

“Waa waxyaabaha layaabka ah ee beenta iyo Nidaam la’aanta kamid ah, waana wax lagu qoslo, Koofurta waxay u dagi la’dahayna waa beenta, cadaalad darada iyo nidaam la’aanta ka jirto Soomaaliya, mana ahan wax Somaliland quseeya waxa soo baxay”ayuu yiri wasiir Warancadde.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya oo uu sheegay iney cadaalad daro ka wadaan dalka Soomaaliya, taasina ay god kusii rideyso xaalada dalka Soomaaliya.

Shirkii kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho ayaa dhigayay in 11 xubin Somaliland ku yeelato aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com