C/Weli Sheekh: Xasan Sheekh wuxuu qadaa qas

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay habsami u shaqeynta Dowlada Somalia ee uu madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud.

C/wali Sheekh waxa uu sheegay in aragti ahaantiisa ay waxbadan isku dhabjineyso Dowlada Somalia, waxa uuna tilmaamay in maalinba maalinta xigta ay xaaladu cagta lasii galeyso Fashil.

Ra’isul wasaarihii hore C/wali Sheekh waxa uu sidoo kale sheegay in Dowladu ay mudada u harsan sii qaseyso Siyaasada Somalia, waxa uuna taasi ugu yeeray xisaabtan la’aanta meesha taal iyo sida ay Soomaalidu ugu hamuun qabaan helida cadaalad iyo sinaan.

Waxa uu Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed, tusaale usoo qaatay fashiladii is xigxigay ee lagala kulmaayay shirka madasha waxa uuna farta ku goday in ugu danbeyntii shirka Madasho ay dhashay qaadashada 4.5.

Ma jirto ayuu yiri beel ka awood badan beel kale, waxa uuna cadeeyay in meesha aysan aalin waxa uu ugu yeeray cadaalada iyo sinaanta umada Soomaaliyeed laga dhex hirgalin lahaa.

Docda kale, mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowlada oo uu kamid yahay Xassan Sheekh ayuu ugu baaqay inay la imaadan cadaalad, islamarkaana Umadda Soomaaliyeed laga dhexsaaro qabyaalada iyo nin jecleysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com