Sawirro: Xasan Sh oo lagu bahdilay Addis-Ababa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ka tirsan Xukuumada Somalia ayaa gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Boley kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xukuumada Hailemariam Desalegn, mana jirin mas’uul sare oo kusoo dhaweeyay garoonka markii laga reebo Wasiiro lagu mashquuliyay.

Madaxweyne Xassan ayaa isku diyaarinaayay in Garoonka uu kusoo dhaweyn doono Ra’isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn hayeeshee ma aysan dhicin waxa bahdilkaasi uu daba socdaa bahdilkii Xassan laba maalin ka hor loogu geystay garoonka Eldoret ee Kenya xili uu ka qeybgalaayay Aaska Askarta Kenya.

Xassan iyo Wafdigiisa ayaa magaalada Addis ababa uga qeybgali doona shir madaxeedkii 26-aad ee Ururka Midowga Afrika.

Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa Arrimaha ugu Waa-weyn ee looga Wada-hadlayo waxaa ka mid ah colaadaha ka Aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa inta uu kulankaan socdo Wuxuu Shir-guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka Bariga Afrika ee ku jira taliska ciidanka Gaarka ah ee Bariga Afrika. Kaasoo looga Tashanayo Xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad-ilaalin ah loogu diri lahaa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8