25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Gaas oo xilka ka qaaday gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegayain Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Puntland Cabdifitaax xaaji Aadan.

Guddoomiyaha ayaa waxaa xilka looga qaaday Wareeto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiyaha, waxaana xil ka qaadista lagu sheegay mid uu maamulka ku hirgalinaayo isbedelada.

Gudoomiyihii Maxkamada ciidamada Puntland oo xil ka qaadistaasi lagu sameeyay ayaa Warbaahinta u sheegay in uu soo dhaweynayo xilka qaadista lagu sameeyay, isla markaana uu si dhow ula shaqeyn doono mas’uulka xilkaasi calfan doona.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa waxaa sidoo kale loo magacaabay Garsoore ka tirsan Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Puntland.

Hogaamiyaha maamulka ayaa sidoo kale sheegay inuu sii socon doono isbedelka socda, waxa uuna Gudoomiyihii Maxkamada ciidamada Puntland ee xilka laga qaaday ugu baaqay inuu guto waajibaadkiisa Qaran.

Geesta kale, Hogaamiyaha ayaa sheegay in maamulka Puntland uu heer ka gaaray Garsoorka waxa uuna dhinacyada khuseeya Garsoorka ku dhiiragaliyay inay muujiyaan Hufnaan.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News