Gaas “Somaliland iyada ayaa kala dooran doonta waxa u dhaama dagalka Tukaraq”

Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa mar kale ka hadlay colaada weli ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in Puntland ay dhacsan doonto dhulka gacanteeda ku jira iyo kan ka maqan, waxa uuna cadeeyay inaysan dooneynin dhul aysan laheyn.

Cabdiweli Gaas, waxa uu tilmaamay in dhulka uu ka socdo dagaalka yahay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan dhul ay ka taliso Puntland, sidaa aawgeed ay lamahuraan tahay inay helaan dhulka uu ka socdo dagaal ee uu sheegay in loo daadiyay dhiiga dhalinyarada Puntland.

‘’Puntland waxaa u cad xaqeeda ka maqan anagu dooni meyno dhul aanu laheyn ee waxaanu dooneynaa inaanu helno kan naga maqan’’

‘’Puntland wey garaneysaa sida ay kusoo ceshan laheyd dhulka kamaqan, Somaliland iyadaa garaneysa waxa u roon nabad iyo colaad daba dheeraata’’

Cabdiweli Gaas, waxa uu sheegay in ciidamada Puntland ee ku sugan Gobolka Sool ay yihiin kuwo ay u muuqato dhulka ka maqan, hase yeeshee Somaliland ay u furan tahay inay dib ugu laabato xadkeeda, sida uu yiri.

Sidoo kale, Cabdiweli Gaas, ayaa shacabka ku nool Gobolka Sool ugu baaqay inay la shaqeeyan ciidamada amaanka, si buu yiri gacanta loogu soo dhigo dhulka Puntland ka maqan.

Haddalka Cabdiweli Gaas, ayaa muujinaaya in maamulka Puntland ay ka go’an tahay inay awood kusoo ceshtaan Gobolka Sool oo ay aaminsan yihiin inay ka taliso Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com