Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa ka hadlay Doorashada Madaxtinimo ee dhawaan la filaayo inay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
C/Wali Gaas, oo si dadban u weeraraya Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in Madaxweynaha cusub ee Somalia aysan dooran doonin Dowladaha saaxiibada la’ ah Somalia.
Gaas waxa uu sheegay inay jiraan Musharaxiin maciin biday Dowlado shisheeye waxa uuna carab dhigay in Madaxweynaha ay dooran doonaan Xildhibaanada cusub oo aysan dooran doonin Dowladaha shisheeye.
”Waxaa jira musharaxiin maciin biday dowladaha shisheeye, waxaan sheegayaa in kuwa dalabyada joogtada ah weydiisanaaya dowladaha saaxiibada la’ah Somalia aysan waxba soo kordhin doonin waxaan leeyahay Xildhibaanada hala kasbado”
C/wali Gaas, waxa uu sheegay in horay ay u dhacday musharaxiin dhaqaale badan kala imaaday dibadda oo hadana aan la dooran, waxa uuna ku baaqay in kalsooni muuqata lasiiyo Xildhibaanada.
Hadalka Gaas ayaa imanaya ayada oo dowladda Ethiopia ay si xoog leh u taageereyso madaxweyne Xasan Sheekh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

