Gaashaan buursi sabab u noqday is-casilaadii wasiir Maryam Qaasim

Wasiir Maryan Qaasin ayaa waqtigii la magacaabay illaa is casilideedii 15ka Oktoober, waxay cadaadis dhanka shaqo kala kulmeysay Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Prof. Yaxye oo hadda ah Lataliyaha khaaska ah ee Ra’iisul Wasaaraha.  Wasiir Maryan Qaasin ayaa markii la magacaabay waxaa loo dhiibay Wasaarad aan horay u jirin, oo aan laheyn waajibaad iyo mas’uuliyado u gaar ah.

Markii la magacaabay Wasiiradu, waxay Ra’iisul Wasaaraha ku wargalisay in lagu soo wareejiyo Waaxda Maareynta Gargaarka oo qeyb ka aheyd Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Abaaraha oo ahaa mid madax banaan.  Waxaa hor istaagay labada codsiba Prof. Yaxye Cali Ibrahim oo  markaas ahaa Xooghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, isla markaana ahaa ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Abaaraha.

Culeysyada la gudboonaaday darteed, waxay Wasiiradu ku wargelisay Ra’iisul Wasaaraha in ay is casilayso haddii aan wax laga qaban cabashadeeda. Dadaallo badan ka dib, Prof. Yaxye wuxuu soo wareejiyey shaqaalihii Waaxda Maareynta Gargaarka balse wuxuu ka sii maamulayay howlaha gargaarka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Isagoo ka tala qaadanaya Ra’iisul Wasaare Khayre, Prof. Yaxye wuxuu diiday soo wareejinta Guddiga Abaaraha oo ilaa iyo hada gacantiisa ku jira, mucaawino iyo lacago badanna maamulaya.

Markii laga soo eryay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Prof. Yaxye wuxuu markiiba ku soo wareegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha asagoo noqday La-taliye khaas ah.  Prof. Yaxye wuxuu hoos keensaday howlihii la xiriiray gargaarka oo idil Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si asaga iyo Ra’iisul Wasaaruhu ay si toos ah u maamulaan deeqaha gargaarka.

Xog-wareeedyo kale oo aan helnay waxay cadeynayaan in Prof. Yaxye iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ay sameeyeen guddiyo kale oo hoos yimaada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ujeedaduna tahay arruurinta lacagaha musiibadii 14-ka Oktoobar. Arrintan waxay dhalisay tuhun fara badan, gaar ahaan Wasiirad Maryan Qaasin oo markii ay maqashay ka hortimid maadaama ay ceebi ka soo gaari karto Wasaaraddeeda.

Nasiib darro, musiibadii 14-ka Oktoobar waxaa ka soo baxay isdabayaac, isqabqabsi iyo jahawareer hay’adihii dowladda dhexdooda oo looga fadhiyay in shacabka Soomaaliyeed ay ka samata bixiyaan marxaladii adkeyd ee markaas lagu jiray.

Wasiir Maryan Qaasin oo ah qof aqoon yahan ah, oo ku takhasustay arrimaha bulshada iyo caafimaadka, lagu yaqaan diin iyo dulqaad badan ayaa ugu dambeystii goosatay maalintii Arbacada iney iska casisho xilkii Wasiirnimo si degdeg.

Xil katagistu kuma koobnaan doonto Wasiirad Maryan Qaasin oo kaliya, waxaa hada soo ifbaxaya xoggo sheegaya in ay jiraan xubno kale oo ka tirsan Golaha Wasiirada oo sidaas oo kale laga yaabo in ay xilka-tagis sameeyaan hadii aan wax laga badalin dhaqan xumada lagu hayo.

Cabdi Saciid Faarax “Juxa” oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa asna lagu waramayaa in uu caqabado badan kala kulmay Ra’iisul Wasaare Khayre, taas oo keeni karta in uu iscasilo. Arrintan ayaa imaaneysa xili Prof. Yaxye uu qeybo badan oo ka mid ah howlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu ula wareegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sida aan ka heleyno illo-wareedyo hoose, ma jiraan wax xiriir ah ama wada shaqayn oo ka dhaxeeya Wasiir Juxa iyo Ra’iisul Wasaaraha. Waxay arrintan daba socotaa dhacdadii Prof. Yaxye Cali Ibrahim looga soo eryay Wasaaradda oo salka ku heysa falal musuqmaasuq iyo isdaba-maryeyn shaqo.

Sida aan xaqiijinay, Wasiir Juxa ayaa ku wargeliyey dhowr jeer Madaxweyne Farmaajo in uu iscasilayo balse waxaa diiday Madaxweynaha oo isku dayaya waxa laga yeeli karo shaqsiyaadka ku hareysan Ra’iisul Wasaare Khayre, sida Prof. Yaxye oo caqabad ku ah wada shaqaynta hay’adaha dowladda asalkana u ah isku dhexyaaca iyo fowdada sababtay in ay Wasiirad Maryan Qaasin iscasisho.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Abuukaato ayaa saxaafada u sheegay in ay jiri doonaan Wasiiro kale oo iscasilaad sameyn doona, maadaama lagu hayo faragelin iyo shaqadii oo aysan u madax banaaneyn. Lama garan karo doorka Golaha Shacabka oo illaa hadda ku fashilmay la xisaabtanka Xukuumadda waxa uu ka yeeli doono haddii Wasiiro kale iscasilaan ama isku shaandheyn uu sameeyo Ra’iisul Wasaare Khayre marka uu xirmo Baarlamaanku.

Abdi Adam Muse
Falan-qeeye Siyaasadeed iyo Suxufi hore
Mussa.adam@gmail.com