26.7 C
Mogadishu
Tuesday, November 18, 2025

Gabadha Ilhaan Cumar oo sameysay arrin lama filaan ah kadib xaalad soo wajahday

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Isra Xirsi, gabadha xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa shaaca ka qaadday in dharkeeda hore iibinayso si ay u daboolto baahiyaha nololeed kadib markii ay soo wajahday shaqo la’aan tan iyo markii ay dhamaysatay waxbarashada jaamacadda Barnard College ee New York.

Isra oo 22 sano jir ah ayaa caan ka noqotay ka qayb-galka bannaanbaxyo looga soo horjeeday Israa’iil, kuwaas oo sanadkii hore ka dhacay jaamacadda Columbia University. Falalkaasi ayaa horseeday in si ku-meel-gaar ah jaamacadda looga saaro, iyadoo sidoo kalena la xiray.

Waxay ka mid ahayd ururka Columbia University Apartheid Divest (CUAD), waxaana bishii April ee 2024 lala xiray in ka badan 100 arday oo dhisay kaamam bannaanbaxyo ah gudaha jaamacadda. Markii la xiray kadib, Isra waxaa laga saaray hoygii ardayda, taasoo sababtay in aysan haysan meel ay degto iyo cunto ku filan.

Qoraal ay ku baahisay barta Instagram ayay Isra ku sheegtay xaaladda nololeed ee ay hadda ku sugan tahay: “Shaqo la’aanba i heshay”, iyadoo xustay in ay dharkeeda hore iibinayso si ay u daboolto baahiyaha nololeed. Dharkaasi ayay ku soo bandhigtay barnaamijka Depop, waxaana ka mid ah kabaha Dr. Martens, goonooyin iyo jaakado midabyo kala duwan leh oo qaarkood ay aad u jeclayd, sida ay sheegtay.

Inkasta oo ay dhamaysay waxbarashadeeda bishii May, Isra wali shaqo rasmi ah ma aysan helin. Hooyadeed, Ilhaan Cumar ayaa wakhtigii qalin-jabinta gabadheeda baraha bulshada kala soo muuqatay, iyadoo tiri: “Ma jiryo farxad ka weyn tan waalidku dareemo marka uu arko ilmihiisa oo guulaystay.”

Si kastaba, warar kala duwan ayaa tilmaamaya in shirkado badan oo Mareykan ah ay ka fogaadeen shaqaaleysiinta ardaydii qayb ka ahayd mudaharaadyadii taageerayay qadiyadda Falastiin, sababo la xiriira cabashooyin laga keenay dhibaatooyin ay la kulmeen arday Yuhuud ah.

Hase yeeshee, lama xaqiijin karo in tani si toos ah ugu sabab tahay shaqo la’aanta Isra iyo xaaladda adag ee wajaheyso.

Isra Xirsi ayaa astaan u noqotay ardayda halganka ugu jirta in ay u doodaan waxa ay aaminsan yihiin, xilli ay la kulmayaan culeysyo siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka dhashay mowqifyadooda.

- Advertisement -

Read more

Local News