Gabadhii uu Mohamed Bin Salman afduubtay oo codsi ka soo dirtay halka lagu hayo

Riyadh (Caasimada Online) – Amiirad u dhalatay dalka Sacuudiga, oo u afduuban dhaxal-suge Mohamed bin Salman ayaa ka codsatay isaga iyo boqor Salman in laga sii daayo xabsiga, waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Anadolu Agency.

Koox ka kooban sideed rag ah, ayaa 28-kii Febraayo 2019 yimid guriga Amiirad Basmah Bint Saud Bin Abdulaziz ee magaalada Jeddah, xilli ay ayada iyo qoyskeeda isku diyaarinayeen inay arrimo caafimaad ugu safraan dalka Switzerland, halkaasi oo ay ka afduubteen.

“Waxaan ka codsanayaa adeerkey Boqor Salmaan iyo ina-adeerkey Mohamed Bin Salman inay isii daayaan, maadaama aan sameyn wax qalad ah,” ayey Basmah ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter.

Basmah ayaa sheegtay in si cadaalad darro ah loogu hayo xabsiga Al-Hair, ayada oo aan lagu soo oogin “wax dacwo dambiyeed ama eedeymo kale ah.”

“Waxaa nala afduubtay aniga iyo gabadheyda sabab la’aan, waxaana nalagu tuuray xabsi,” ayey tiri Amiirad Basmah Bint Saud Bin Abdulaziz.

Amiiradda oo 55 jir ah ayaa sheegtay in xaaladdeeda caafimaad ay sii xumaaneyso, taasi oo u horseedi karta dhimasho. “Xaaladdeyda caafimaad iminka aad ayey u liidataa,” ayey tiri Basmah.

Basmah ayaa sheegtay in qoraal ay u dirtay Maxkamadda Boqortooyada aan laga soo jawaabin.

Qoraalka ay soo dhigtay twitter ayey ku tag gareysay siyaasiyiin uu ku jiro madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo ururada xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch.

Sanadii 2016, Amiirad Basmah ayaa kusoo laabatay Sacuudiga kadib markii Amiir Muhammad Bin Nayef, oo xilligaas ahaa dhaxal-sugaha uu damaanad qaaday, si ay dalka ugu soo laabato.

Amiiradda ayaa dalbaneysay in boqor Salman uu soo celiyo dhul uu lahaa aabaheed Saud Bin Abdulaziz oo ku yaalla magaalada Taif, iyo 2 bilyan oo dollar oo taalla akoono ku yaalla bankiyada Switzerland.

Ilo-wareedyo ku dhow Bin Nayef ayaa sheegay in Amiirad Basmah lagu hayn doono xabsiga illaa ay ka tanaasusho sheegashada hantida aabaheed.

Waa haweeneyda kaliya ee ku jirta xabsiga Al-Hair, ee sida weyn loo ilaaliyo amnigiisa.