Gabar ku dhalatay SAN MAROODI oo lagu muransan yahay sidii laga yeeli lahaa (Sawirro)

Gabar yar oo ku dhalatay dalka India ayaa la sheegay inay shabbahdo sanab ay caabudaan dadka heysta diinta Hindu-ga maadaama ay dhalatay iyadoo leh SANKA MAROODIGA.

Gabadhaan, oo aan weli magac loo bixin, ayaa ku dhalatay xaafadda Aligarh, Uttar Pradesh, ee Waqooyiga India Khamiistii hore.

Dadka ayaa haatan u qulqulaya sidii ay u arki lahaayeen gabadhaan yar maadaama ay aamisan yihiin inuu xiriir kala dhexeeyo sanabka ay caabudaan Hindu-gu ee Ganesha, kaasoo sidoo kale SANKA MAROODIGA leh.ad_164531241

Iyadoo la hadleysay ANI, eedada gabadhaan ayaa sheegtay inay dadku kusoo qulqulayeen gurigooda isla markaana ay dalbanayeen inay arkaan gabadhaan oo ay sawirro ka qaataan.

“Dumaashideey waxay dhashay 7am Khamiistii, laakiin gabadhaan wejigeeda wuxuu si aad ah u shabahaa Sanab Ganesha (Illaahooda),” ayey tiri. “Taasina waa sababta uu qofkasta oo maqla arrintaan u imaanayo halkaan si uu cunugtaan u arko isla markaana ay sawirro uga qaataan.”

Gabadhaan waxaa iska dhalay Rambabu Sarvesh iyo xaaskiisa Banna Devi. Mr Sarvesh, oo durba aabe u ahaa seddax caruur ah, ayaa maalintii ku shaqeeya 250 rupee, oo u dhiganta 5 dollar iyo 17 santi, wuxuuna ku rajo weyn yahay inay dhalashada gabadhiisaan bedeli doonto nasiibka qoyskooda, sida laga soo xigtay majaladda Times of India.

Gabdhaan ayaa shabbahda Sanab Ganesha oo ah sanabka halkaan ku sawiran
Gabdhaan ayaa shabbahda Sanab Ganesha oo ah sanabka halkaan ku sawiran