Gabar maanta loo diiday inay ku umusho isbital ku yaalla Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Isbitaalka Wardi oo ku yaala Degmada Xamar Jajab ayaa Khadra Maxamud Dhicis waxa ay u diideen in ay ku foolato Gudaha Isbitaalka sida ay shegeen qaar kamid ah dadkii xilligaas ku sugnaa gudaha isbitaalka.

Khadro ayaa iyadoo ay fool heyso waxa ay timid Isbitaalka waxaana ay dhaqaatiirta u Sheegtay in ay fool tahay sidaa daraadeedna ay u baahan tahay in ay ka umuliyaan Dhaqaatiirta, laakiin Nasiib darro Maamulka Isbitaalka ayaa Khadro u sheegay in ay bixso lacag dhan $20 (labaatan dolar).

Khadro oo ka dhalatay qoys dan yar ah ayaa dhaqaatiirta ka codsatay in aysan heysan lacagtan laakiin hadii lagama maar maan ay tahay ay bixin doonto lacagtan ay Sheegteen Maamulka Isbitaalka Wardi.

Khadro waxa lagu wargeliyay in aysan Macquul aheyn iyadoo aan bixin lacagtan in aysan ku riyoon in ay ku umusho Isbitaalka waxaana lagu amray in ay kabaxdo gudaha isbitaalka.

Khadro oo murugeysan ayaa Banaanka u soo baxday kadibna waxa ay ku foolatay Afaafka hore ee Isbitaalka waxaana u gurmaday qaar kamid ah dad weynaha ka ag dhawaa goobta uu Isbitaalka ku yaalo.

Inkastoo Dhaqaatiirta Isbitaalka ay dafireen arrintan, hadana waxaan qadka kula xiriirnay xubno ka tirsan ehelka Qadra oo I noo sheegay in ay runtahay in Gabadhooda lacag lagu xijeeyay .

Dhacdadan ayaa noqotay mid ay siweyn u hadal hayaan Bulshada ku dhaqan Gobalka Banaadir,waana arrin fadeexad ku ah Isbitaalka, islamarkaana ka soo horjeedda Sharciga u degan bahda Caafimaadka.

Isbitaalkan ayaa waxaa lacag ku bixiya hay’ado Caalami ah oo ay kamid tahay Hay’adda IMO, waxaana inta badan uu Isbitaalkan yahay mid lacag laga qaado Dumarka ku foosha, kuwa uurka leh oo howllo Caafimaad u yimaada Isbitaalka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa si kulul u canbaareeyay dhacdadii xanuunka badneyd oo ay la kulantay hooyo Khadra Maxamud Dhicisow.

Waxaa uu sheegay in Xaaladeeda Caafimaad ay wanaagsan tahay hadda, islamarkaana lala xisaabtami doonaan Cidii ka dambeysay falkii lagu waxyeelayay.

Sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha gobolka Banaadir sheegay in sharciga lala tiigsan doono maamulka Hospital Wardi.

W/Q: Ahmed Hassan Ibrahim
Axmedxasan79@gmail.com