Gabar Soomaali ah oo ka qeybgaleysa mashruuca Young African Leader

Washington DC (Caasimada Online) – Amiino Sahro Saciid Sigad oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa ka mid noqotay dad loo xushay in ay ka qeyb galaan mashruuca hoggaamiyaasha da’ yerta Afrika.

Mashruucan ayaa shan sanno ka hor waxaa sameeyay madaxweynaha dalka Maraykanka, Brack Obama.

Mashruucan ayaa looga gun lee yahay siddii loo dhiiri galin lahaa dhallinyarada ku nool waddamada colaadaha ay halakeeyeen.

Amiino Sahro oo ka soo jeeda gobalka Gaarisa ayaa sheegtay in ku guuleysatay tartan loo galay mashuurcan oo sannad kasta la qabto.

Waxay sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto dadka ku guuleystay mashruuca Young African Leaders.

Waxaa la weydiiyay haddii ay la kulanto madaxweyne Obama wax yaabaha ay ka codsan lahayd, waxay sheegtay in ay weydiisan lahayd sidii loo caawin lahaa dadka ku dhaqan Gaarisa gaar ahaan dumarka.

Waxaa kaloo ay sheegtay in ay ku rajo weyn tahay haddii ay hesho qorshaha ay damacsan tahay in barnaamijyo u abuurto dumarka ku nool Gaarisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC

Caasimada@live.com